Vous êtes sur la page 1sur 5

ABWAAN JAAMAC KADIYE MA GABAYGII BAA KA XIDHMAY?

WWW.HOYAALAY.COM: Jaamac Kadiye Cilmi waa buuni dhamaystiran, mar kale waa abwaan luuq wanaagsan oo heli og ujeeddada suugaantiisu marto, badiba gabayadiisu waxay xambaarsanyihiin ujeeddooyin mug-wayn oo isugu jira, hawaala warran, hoga-tusaalayn iyo saadaalinta wixii soosocda. Abwaanku wuxuu tiriyey suugaan badan oo kala jaad-jaad ah kuwaas oo haddii la diiwaangaliyo buugaag laga daabici lahaa, xilligan waxaa kaliya oo suugaanta abwaan Jaamac kadiye Cilmi laga helaa cajilado uu isagu ku duubo, kadibna dukaamada cejiladaha (studio) lagu duubo. Abwaanku wuxuu degganyahay magaalada Laascaanood in kasta oo waayahan danbe uu abwaanku u wareegay Garoowe, sida uu abwaanku maansadiisa Soomaali baan ahay uu ku sheegay wuxuu waligii ku sugnaa gudaha waddanka Soomaaliya. Sanadkii 2011-ka horraantiisii wuxuu abwaanku tagay waddanka boqortooyada Ingriiska wuxuu halkaas kaga qayb galay bandhig Soomaalidu ku maamuusto hiddaha iyo dhaqankooda oo la yidhaahdo Somali Week Festival. Soomaalidii faantaastiyahaas nasiibsatay in ay abwaan Jaamac Kadiye suugaantiisa toos uga dhagaystaan waxay aad ula ashqaraareen, ujeeddada suugaantiisu daarantahay ee Soomaalinimada huwan iyo luuqdiisa tolmoon ee cajiibka ah.

Abwaan jaamac kadiye cilmi wuxu u dhashay mandaqadda Sool Sanaag iyo Cayn, sida caadiga ahna waxaa abwaanka la gudboon in uu suugaantiisa kaga qaybqaato horumarka tolkiisa, taas oo sharaf dheeraad ahi igu jirto, abwaanku wuxuu wax ka yidhaahdaa abaar iyo aaran, col iyo nabad hadba kii beeshiisu qabto. Sir iyo caadna waa in uu isgarabtaagaa marwalba oo xaggiisa la soo eego. Abwaan Jaamac kadiye si wayn oo xil-kasnimo ah ayuu arrintaas uga soo dhalaalay, shir walba oo mandaqadda SSC loo madlo wuxuu ka soo jeedin jiray suugaan madhaxleh oo la jeclaysto. Shirkii Boocame One waxaa la xasuusanyahay gabayadii qiirada lahaa ee uu abwaanku tolkiis ku dhiirri galinayey inay dhibaatada Soomaali ku habsatay ka dul qaadaan. Waxaa jira xilli abwaanka suugaantu ka xidhanto, sababo kala duwan ayaana keena in abwaanka suugaantu ka xidhanto, waxaa ka mid ah qaran jab ku yimaadda tolkiis markaas oo uu abwaanku aamuso ilaa inta waddo uga furmayso. Haddii abwaanku isku dayo in uu tixna ha ku ahaatee suugaan mariyo xilliga gabygu ka xidhanyahay waxaa lagu tiriyaa bayd gaab aan suugaantiisu magac lahayn. Abwaan Jaamac Kadiye isaga oo ka hadlaya ujeeddada suugaantu leedahay wuxuu yidhi. Suugaan hadaad tirinaysood gabay samaynayso Iska saydhi maaha oo kuddoon saa anaa idhiye Sawdkaaga iyo hadalku waa inay sugnaadaane Sumcadaada kii burinayee cudur samaynaaya Waa inaad suntiyo laaxinkiyo suruqda diidaaye Hadhow midaan lagaa siisanayn ha u sidiidiyine Abwaan Cali Aadan Gorayo oo ku magac dheeraa Cali Dhuux, oo ay abwaan Jaamac Kadiye isku hayb ahaayeen wuxuu ahaa ninkii bilaabay silsiladda caanka ah ee Guba, Cali dhuux sidoo kale wuxuu laf-dhabar u ahaa silsiladdii Halac dheere. Silsiladda Guba waxay socotay muddo dheer, markii danbe Cali Dhuux gabaygii baa iska xidhay, halkaasna wuxuu ka mariyey meerisyo kooban oo qiraal ah kuwaas oo uu ku muujiyey in gabaygii ka xidhmay wuxuu yidhi: Gun baan ahay gambo cad baan xidhnahay, iyo gadh naagoode Gashaantida sideedoo kalaan, guur u sugayaaye, Anigiyo hablaha loo galmoon, waa gudboonnahaye, Jeeraan gamboolka iska rogo, guudka iga saaran, Ogaadeenka noo soo gabyow, waa gar xaajaduye Taariikh badan oo geesinimo leh ayaa ka danbaysay waayihii Cali Dhuux sidaas yidhi, meerisyadii calina waxay kiciyeen rag badan oo aan dareen hore qabin. Maanta waxaa halkii Cali Dhuux joogsaday Abwaan Jaamac Kadiye, wuxuu waraysi lalayeeshay ku sheegay in uu gabaygii ka xidhanyahay isaga oo ku sababeeyey tayiisada saaran tolkiis maanta wuxuu yidhi:

FARASKU WAA DAKAAMAA MAR BUU ORADKA DAAYAA DAADEHEEYE OWRKUNA MARBUU DAN ISU TAAGAA DIYAARADUHU WAA JOOJIYAAN DUULIMAADYADA GAADHIGA DEKEEYAA MAR BUU GUUXA DEMIYAA DADKUNA WAA XARRAAMAA SIDII DAABADDOO KALE MASKAXDAA UGU DARAN AADAMUHU WUXAY KA DAALAA ANNA DACASKII UGU SOO BAXYOO WAAN DAMQANAYAA DAN WAXAAD KA HADASHAA MARKII LOO DIYAAR YAHAY DAMIIRKII FAYOW BAA WACDIGU DUX U SAMEEYAA WIXII DOONAYAA TALA GALYADA LAGU DUR-DUURAA RUUXII DABIIB LEH BAA JIRADA LAGA DAWEEYAA HADALKUNA DUX BUU LEEYIHIYO DAABAC LOO DHIGO WAXAA DIIDAY AMA YEELAY BAY MIDI KU DEEQDAA BALSE HOR IYO DABA DIIDKA WAA LAGU DAYOOBAA Bishii November, 2011-kii, waxaa magaalada London lagu qabtay munaasabad lagu soo dhawaynayo Abwaan Jaamac kadiye Cilmi iyo Abwaan Axmed Shiikh Jaamac, xafladdaas oo si wayn loo soo agaasimay wuxuu abwaan Jaamac Kadiye ka mariyey Gabay dareen taabad leh oo uu ku muujinayo in gabaygii ka xidhmay. Wuxuu yidhi abwaanku:

HAWADIYO HANKAAD LEEDIHIYO HAYBADDAA ISWADAE HIYIGAAGU WUXUU KAASHADAA HIMILO WEEYAANE RUUXAAN IS HUBIN WAA KU CEEB IN UU HADAAQAAYE HAMMI BAAN KU FOOGNAHAY BARYAHAN HADALNA WAA GOWE HAASAAWIHIYO SHEEKADAA LAIGA HELAYAAYE HOOS U FOORAR IYO AAMUSNAAN BAA IGA SOO HADHAYE ONKOD HEEGO DAADIHINAYA IYO HALABLIHII AARKA AMA JIMIN HABEENIMA DHACDIYO GORAY HIGGOONAAYA

AMA HAWSAR YOOL BAADH AH OO HAGAYO KAARTIISTE SIDAASAAN U HIIN RAAGAYAA HIBASHO AWGEEDE HIIRTAANYO IYO QOOMAMAAN LA HARJADAAYAAYE HIGGAAD AAN LAMAQAL BAA QALBIGA ILA HUGMAAYAAYE RAGGII HORE HAL-RAACIISII IYO SIDII LAIIHAYSTAY HANKAAN RABAY HANAANKAAN WATAYEE KU HINDISOONAYEY KUWO HOOGAY IYO LAYTIYAA GALIYEY HAADAANE INKASTAAD HALYAY FEEYIG TAHAY HEEGANNA U TAAGAN HADDII AADAN HELIN GEESIYAAL HALISTA KAA EEGA OO AY HAMRANAYAAN TOLKAA HEECAY BAAD NOQONE UMMAD HIILKII KALA DAASATAY IYO HOOGO LABADIIBA HOGGAANKIINA KALA GOOSATAYOO HURINBA MEEL GAYSAY HILBA DIRIRIMAAYAAN CAQLINA KUMA HESHIIYAAN HABAR WACASHADII WAXAA BEDELAY QAAB HINAASIYAE HULOHOODII LA OGAA INAAN HADAF U TAAGNAYNE WAA HAGAR DHEXDOODA AH CUSRIGA ADHAXDA HAYSTAAYE HINDDI NIMAN AH HAADAA QABIIL HUB IYO MAAL BUUXA HALGANKA IYO DAGAALKANA YIQIIN HIBANA LOO SIIYEY HABISADAN LASAARIYO DULLIGU HAATAN WAA UGUB E HAWEENKIYO CARUURTAA KACAY OO HURAY NAFTOODIIYE MARKII HANAQA QAAR LAGU DHUFTAYEE IILKA LAGU HOOYEY HIMAD JABE HABLIHII MOODI JIRAY INAY RAG HAYSTAANE HAWD IYO NUGAAL MIDI HADAY HADIMO NOO KEENTO HAREER BAA FAYOW BAAN LAHAA WAANAD HAWL GALIYE MARKAY LABADII HEER WADA NOQDEEN HAAJIR BAA DANA HORJOOGYADA BATIYO TALA GALYADA LAYSLA HELI WAAYEY RAGGAN HEBELBA MEEL TAAGANYEHEE HAGISTA DIIDAAYO HODADIYO KHILAAF WAXAAN AHAYN LAGAMA SOO HOYNE HAYEESHEE DANBAA LOO HALGAMI LOONA HAWL GALIYE HABAAHURKII SOCONMAAYO IYO HALISTII CEEBEEDE NINBANA HEERKA UU JOOGSADAA LAHUBSAN DOONAAYE WAXANA HAYBTA LAGA SAARAYAA MAANTA KII HADHAE

Dadka suugaanta ablaableeyaa waxay gabaygaas ku tiriyeen in uu yahay kii Cali Dhuux oo kale, waana sababta uu abwaan Jaamac Kadiye gabay kale u tiring waayey, aasaaskii khaatumo iyo madashii Taleex wuu ka aamusay, ilaa hadana waa shibbane aan la dhaadin. WWW.HOYAALAY.COM info@hoyaalay.com

Vous aimerez peut-être aussi