Vous êtes sur la page 1sur 16

Qaybtii 4aad

Xasanaw xoolo-dhaqasho iyo markaad xilli ka weynaatid


Saw dharaaro tegay xusuutood dib uma soo xigatid
Waddada aan Gurigayga u maro, marka ay galabtii tahay ee aan lugaynayo, waxa aan soo
ag maraa guri dharaar iyo waayaheed i xusuusiya. Guriga waxa ku jirta Hayadda UNDP,
waxana iska leh hadda ilma Cismaan Geelle. Gurigan waxa agtiisa ah guri yar oo dawladdu
leedahay oo aan muuqan. Dhulka guriga weyn laga dhisay waxa laga iibshay Marxuun
Cismaan Geelle, waxa uuse ahaa daaradii guriga dawladda.
Haddaba, markuu Marxuun Cismaan Geelle doonay inuu jeexdo oo dhiso, ayaa shaqaale
geliyey Wasaaradda Hawlaha Guud oo uu Wasiir ka ahaa Injneer Yuusuf Caynab u tageen
oo uu ka joojiyey dhismihii oo meeshii boolis geeyeen.
Eng. Yuusuf Caynab waxa uu ka mid ahaa Wasiirrada uu Madaxweyne Cigaal ku dhaadan
jiray, waa Wasiirkii hirgeliyey mashruuca dib-u-dhiska buundooyinkii gonaa ee wadda
Gabiilay ilaa Caynabo isku xidha ku yiillay. Mashruucaas oo ay maal-gelisay Midawga
Yurub, markay ku qanaceen xilkasnimadii uu lahaa Wasiir Caynab. Wixii intaa ka
dambeeyey Wasiir Caynab Midawga Yurub waa ay ka baxday dib-u-dhiska wadooyinka
markay ku qanciwayday maamulkooda.
Sidoo kale, Wasiir Caynab waa ninka guryaha dawladda wada diiwangeliyey oo ku soo
rogay dadka ku jiraa inay kiro bixiyaan, balse wixii intaa ka dembeeyey Wasiirradii
Wasaaradda uga maamulkeeda gacanta ku qabtay waxay ku caan noqdeen iibinta Guryaha
Dawladda iyo dhulka bannaan ee Shacabka. Injineer Yuusuf Caynab hadda xannuun ayuu
la jiifaa oo aan cidina ka war hayn.
Aan ku soo noqdo dulucda ujeeddadaydae, shirkii Golaha Wasiirrada ayuu Madaxweyne
Cigaal ku soo bandhigay arrintii dhulka Gurigaas uu dhisanayey Marxuun Cismaan Geelle,
oo uu sheegay in meeshii ay galeen laba Suldaan oo hubaysani, Booliskiina uu isaga yimid.
Madaxweyne Cigaal waxa uu arrintaas u xilsaaray xubno Wasiirro ah oo ka soo jeeda
beelaha Arab iyo Garxajis, si ay xal uga keenaan hawsha lagu furdaamiyo.
Shirkii Golaha Wasiirada ee toddobaadkii dambe, ayuu Madaxweyne Cigaal ku furay
warraysiga Wasiirradii uu arrinta furdaaminta gurigaas u xilsaaray. Wasiirradii waxay ka
warrameen kulankii ay la qaateen labada Suldaan iyo hadalkii dhexmaray oo aan wax-soo-
jeedin xal ihi wehelin.
Madaxweyne Cigaal waxa uu ku yidhi Wasiirradii; Waxan idiin diray inaad xal ii keentaan
ee waxba ii maydaan keenin. Waxa caddaatay in Wasiirradii labadii dhinacba ay ka
cabsoodeen dhinacii Salaadiinta iyo dhinacii Madaxweynaha, dabadeedto ay ku adkaatay
inay xal gaadhaan iyaga oo eed ka carar ah.
Markaas ayaan farta taagay oo aan ku idhi; Madaxweyne, wixii dawladdii lahayd ee
Caasimada ku yiil reer Hargeysa looguma iman, qoladayadii reer Bari iyo Galbeed waxba
nagama soo gaadhin ee waxay ahayd sida aan xukunka u qaybsanay inaynu guryahana u
qaybsano ee reer Hargeysa ayaa isku koobtay.
Haseyeeshee, arrintan waxa ay ila tahay in xukuumaddu aanay labada Suldaan ku qabsan
Balloodh, innaga oo wax ka weyn ka filayna inay inala qabtaan. Waxse lagama maarmaan
ciddii dulka bixisay ee dawladda ka tirsanayd in lala xisaabtamo.
Markaan hadalkii dhameeyey ayaa Madaxweyne Cigaal taladii igu raacay oo yidhi; Laba
Suldaan oo aan wax weyn ka filayno ku qabsanmayno Balloodh. Sidaas ayaa Marxuun
Cismaan Geelle ku dhistay gurigan aan ag maro galabtii, kaas oo aan ku xusuusto
dhacdadaas.
Waxa golaha Wasiirrada ka mid ahaa Mudane Marxuun Cali Asad oo ahaa Wasiir-ku-
xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo maalintaasna shirka fadhiyey. Marxuun Cali
Asad markuu Maayarka Magaalada Hargeysa ahaa ayuu mindhaa dhulkan bixiyey, mase
aanan ogayn markii aan hadlayey, balse waxaan mar dambe ku war helay in Madaxweyne
Cigaal uu xilkii ka qaaday.
Dharaaro Xusuustood; Qaybtii 18 aad
Waxyi iguma soo dego
Haddana wax ima seegaanee
Maxamed cabdiraxmaan lugooyo
Muddo hadda laga joogo 56 sanno oo ku beegnayd January 1958, ayaan fasalka kowaad
ee Dugsiga Reece School oo loogu magic-daray Badhasaabkii ama Guddoomiyihii
Maxamiyadda Somaliland ee Sir Gerelad Reece oo ahaa Ninkii dhisay dugsigaas hoose ee
saddexda fasal ahaa.
Waxa fasalka igula jiray dhallin markii dambe caan ka noqotay Somaliland oo ay ka mid
ahaayeen Faysal Cali-waraabe Guddomiyaha xisbiga UCID iyo Xasan Ciise Jaamac
Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland iyo qaar kale oo badan oo aan halkan lagu
wada sheegi karin.
Sannadkii 1975 aniga oo Boqortooyada Midawday (UK) arday ka ah ayaan wax aan ka
qaybgallay xaflad sanadeedkii ururka saxiibnimada Ingiriiska iyo Soomaalida (Anglo Somali
friendship society) waxa kale oo ka soo qaybgalay Dr Cabdillaahi Axmed Guuleed iyo
Xasan Ciise Jaamac, waxa aan la kulanay Lady Reece oo ahayd Marwadii Badhasaabkii
Reece. Markii aan u sheegnay in saddexdayadu aanu ka ka soo baxnay Reece School oo
aan Shahaadooyinkii Mastarka iyo Daktooraha samaynayno oo kala ahaa Chemistry,
Physics iyo Law, ayey farxad is haysan kari wayday oo tidhi Reece waa xannuunsanayaa
ee marka aan gurigii ku noqdo oo aan u sheekadiina u sheego iyo saddexdii qol ee uu
dhisay ragga ka soo baxay farxad ayuu la bogsanayaa.
Waxa aan arrintan ku xusuustay warbixintii Bankiga Dunida ee Somaliland dhinca
waxbarashada, taas oo sheegtay in 50% carruurta dalku aanay waxbarasho helin. Haddaba
ilmihii waxbarasho seegaaba waa dhaqaale iyo horomar iyo fursad dalka iyo dadka iyo
dunidaba ka luntay, ilaa goorma ayeynu u adkaysandoonaa arrintan?
Madaxweyne Clinton ayaa markii u horaysay ee la doortay ayuu isugu yeedhay
aqooonyahanno oo uu warsaday tallo wixii uu qaban lahaa, waxay taladoodii ku soo
ururiyeen Waxbarashada iyo wadooyinka, dekadaha (Infra structure) xooga saar oo
dhaqaale geli. taas ayaa dhalisay in siddeedii sanno ee Madaxweynaha ahaa inuu
dhaqaalihii Maraykanku u sare u kaco oo khasnadii dawladdu buuxsanto oo meel la kala
dhigo la waayo, oo cashuurtii dadkii loo ceshay. Waar ma ku dayn karnaa!!
Dhinaca Waxbarashada haddii aan taabanno waxay ku dhisan tahay macallinka iyo
tababarkiisa, hadda waxa faraha ku haysa hayad INGO ah oo macaash doon ah oo
kharash badan, waxa ay ahayd in laba xarumood oo tababarka macallinka ah laga kal
sameeyo bariga iyo galbeedka dalka oo dawladda iyo wasaaraddu gacanta ku hayso.
Dawladdu ma leha meel macallin lagu tababaro ilaa hadda, waxa qoraha qoraalkani qabaa
in afka Soomaaliga laga joojiyo in wax lagu dhigto, isaga luqo ahaan uun loo barto, hase
yeeshee yaan wax lagu dhiganin waxa ay hoos u dhigaysaa aqoonta ardayga.
Afaafkaas dunida cilmiga lagu barto ha lagu bilaabo caruurta marka ay yar yihiin, oo
buugtan Af Soomaaliga lagu qorayo ha laga guuro, sababta oo ah dunidii oo soo
koobnaatay oo dhaqaalihii iyo noloshii dunida oo isku xidhmay. Sidaa darteed, Af Somaligu
waa ina takoorayaa ee aan dunida ku xidhanno.
Sannadkii 1958, waxa mar qudha magaalooyinka reer Somaliland ka bilaabmay guryo dhis
dhagax ah halkii ay hore dadku ugu jireen aqallo Soomaali. Lacag ayaa dadka Soo gashay
taas oo ka dhalatay dhoofinta xoolaha ee loo dhoofiyo Boqortooyada Sucuudiga iyo
sheekada Ictimaadka la soo furanayo.
Arrintaas oo horomar weyn keentay, waxa fure u ahaa oo bilaabay marxuun la odhan jiray
Suufi Xasan oo reer Hargeysa ahaa. Markii xoolaha Soomaalidu ay dalabka yeesheen ee
lacagta laga helay, ayaa waxa bilaabmay in la dhaqaaleeyo oo lacag la geliyo xoolihii waxa
bilaabmay kaydinta biyaha ama kacaankii Berkadaha.
Waxa la sameeyey kumayaal berkadood oo biyaha loogu kaydiyo xoolaha, arrinkaasna
waxa uu ka bilaabmay Hawdka Burco oo waxa la sheegay inuu ugu horeeyey cilmgaas
qoyska reer Sheekh Cismaan Nuur. Weli halkii ayaan joognaa waxa loo baahan yahay
kacaan xagga farsamada iyo ganacsiga ah dadka iyo dalka wax ku soo kordhiya. Ayaan-
darro hadda tujaarta ugu waaweyn dalka waa kuwa ka ganacsada Jaadka iyo Sigaarka,
weli lama hayo kontankaa sanno ka dib cid wax ku soo kordhisa nolosha bulshada iyada oo
macaashaysa weliba.
Awoowgay Maxamed Gees oo ganacsade ahaan jiray ayaa waxa uu ii sheegay mar aan u
holaday inaan ganacsade noqdo, isaga ka faaloonaya ganacsiga: Jiilaalkii waxa laga
ganacsadaa oo dalka la keenaa cunto, waayo dadka ayaa u baahan oo ay noloshu u
jabaysaa adna aad macaash ka helaysaa.
Gugiina waxa laga ganacsadaa dharka oo dadku inay xaragoodaan oo ay is qurxiyaan oo
farxaan ayey u baahan yihiin, cuntadii xoolahooda ayaa ugu filan. War bal day sida loo
xisaabtami jiray. Maanta shilin uun baa la eryayaa meel kasta haka yimaadee.
Qaybtii 19aad
\WHEN GOING GETS TOUGH, THE TOUGH GET GOING
MARKA GEEDIGU ADKAADO, KUWA ADAG BAA WADA
Marxuun Ciggal ayaa sannadkii 1995 ee iska horyimaada ay daba ka riixayso UNISOM iyo
Wallaweyntu iyo dal jaar ihi ay ka dhacayeen dalka, martiqaaday marxuun qurbo-joog ah oo
ay isku waqti ahaayeen oo Hargeysa boqasho ku yimid.
Marxuunkii ayuu ka codsaday inuu ku soo baro hawsha dalka oo xukuumadda ka mid
noqdo. Marxuunkii waa uu ka cudur-daartay xilkii oo ku yidhi; Waqtigan Daydaygu meel
kasta joogoo xil ma qaban karo oo lama shaqayn karo. Waxa Marxuun Cigaal ugu
jawaabay, Hebelaw maanta ayaa lagu baahan yahay oo dalka iyo dadku kuu baahan yihiin
ee waxa loo baahan yahay cid waayo-aragnimo leh sidaada oo waxa u sheegta dhalinta oo
wax u dhista. Marka ay dhisanto ee dhalliyaradu wax barato ee dalku dawladoobo cidi
kuuma baahna oo ajnebi ayaa xitaa u soo shaqa tegi doona. Sidii ayey ku kala tageen
saaxiibkii.
Maanta wax aan arkaa Hindi, Pakistan, Yamani, Indhayar, Khawaajayaal iyo Afrikan u soo
xoogsi tegay Somaliland-tii laga baxsanayey. Dad kooban oo Rag iyo Dumar leh oo ku
kalsoon Dadweynahooda iyo Dalkooda ayaa u dabar-adaygay dhibaatadii oo ka
midhadhaliyey oo waataa dalkii istaagay oo tabaagalay.
Dhalintii Daydayga lagu sheegayeyna waa kuwaa garabaha derajada ku sita ee qoorta
casaystay ee diyaarka u ah hadh iyo habeen nabadgelyada iyo dadka iyo difaaca dalka oo
carruurtoodii jaamacadaha dhammaysatay ama ku jirto. Halka Kumayaal Yamyam iyo
Khawaajayaal ihi ay labaataneeyo sanno iyo dheeraad Soomaaliya waxba ka tariwaayeen
nabadeeda.
Nin Dawladda Maraykan u ahaan jiray Xeer-illaaliyaha Guud waqtigii Madaxweynaha uu
ahaa Richard Nixon ee fadeexaddii Watergate dhacday oo Dadkii loo haysatay ka mid
ahaa, ayaa laga haya hadal-hays caan noqday oo uu soo xigtay, kaas oo ahaa; When
going gets tough, the tough get going. Oo macnaheedu noqonayo, Marka geedigu
adkaado, kuwa adag baa wada.
Markii Marxuun Cigaal allayastay ayaa waxa Waddanka yimi Wefdi ka soo kicitimay Xamar
oo uu hoggaaminayey Marxuun Maxamed Sheekh Cismaan oo xilal badan oo Wasiirnimo
ah ka soo qabtay Dawladdii Askarta. Wafdigaas oo rabay inay jinaasada ka soo
qaybgalaan, hase yeeshee dib uga dhacay oo markii dembe la dejiyey Hargeysa Club
Hotel.
Weftigaas waxa la fadhiistay Guddi Guurtida ah oo uu ka mid ahaa Xaaji Cabdikariim
Xuseen (Cabdi-waraabe), kaas oo wefdigii ayuu ula kala baxay aftahanimadiisii lagu yaqiin
oo ku eedeeyey burburkii dalka iyo waxa ay u geysteen Somaliland iyo waxa ay ka
sameeyeen koonfur iyo hadda waxa ka socda; dhibtii oo dhan ayuu madax ka saaray oo u
xambaarshay Wallaweynta.
Waxa wefdiga ka mid ahaa xubno reer Baydhabo ah, kadibna mid kamid ah ayaa u
jawaabay Xaaji Cabdi oo ku yidhi isaga oo sheeko ka sheekeeyey, Annagu reer Baydhabo
ayaanu nahay, haddii cidi naga bukooto ama wax gaadhaan Quraan ayaanu saarnaa oo
lagu akhriyaa. Haddaba waxa dhacday in nin dhallinyaro ihi uu haruur ka dhergay, deeto
calooshii istaagtay oo saxaradii ku joogsatay. Waxa la yidhi Quraan ha la saaro oo wadaad
ayaa loo keenay. Markuu wadaadkii doonay inuu quraankii ku akhriyo, ayaa ninkii la hadlay
oo ku yidhi wadaadkii, Quraanka akhrigiisa xagga danbe u badi, xagaas ayaa la iga
hayaaye. Sidaa darteed Xaaji Cabdow canaanta ku badi xagga qolada Hawiye xaggaas
ayaa nalaka hayaaye.
Haddaba xagga Qurba-joogta ayaa Somaliland laga haystaa eh, ha loo badiyo waanada iyo
wax-u-heegga Xaaji Cabdaw! Saw kuwaa xeego baraf (Ice Hockey) ku dheelay Golihii
Wakiillada ee aanay waxba kala socon sidii lagu soo ulkamay iyo geediga dheer ee loo soo
maray.
Dharaaro Xusuustood ; Qaybtii 20aad
Fariidnimadu ina ragaw
Waa inay ku filaataaye
Adaa ugu firoon uunka
Waada kaga fogaateeye
Fircoon halkuu gaadhay
Baad afooda gelisaa eeh
Xasan xayle
Dharaarahan waxa ina saaran dhado muran ah oo ka dhalatay is-qabadka Shirguddoonkii
Golaha Wakiillada. Waa markii labad ee muran caykani ihi ka dhex dhaco Golaha
Wakiillada oo ay xubnaha Golahu u kala jabaan laba garab oo ku kala tiirsan Xukuumadda
iyo Mucaaradka.
Is-qabadkii hore waxa uu dhacay sannadkii 1995 oo waa kii galaaftay Guddomiyihii Golaha
waqtigaas oo ahaa Mudane Axmed Cabdi Xaabsade, taas oo dhalisay inuu iskaga huleelo
Somaliland oo ka maqnaado muddo dheer.
Macallin aan wada shaqayn jirnay ayaa waxa uu lahaa arrin yaab leh oo ah isaga oo hurda
ayuu kici jirayn oo dharka xidhan jiray oo kadinka guriga ka bixi jiray, haddii aan cidi qaban
waxa dhici jirtay inuu meel ku dhaco oo markaas tooso . Dhawr jeer ayuu siktay oo khatar
naftiisu gashay.
Cudurkaas waxa la yidhaahdaa afka qalaad Sleep walking Hadda waxa la moodaa in
jiradaas oo kale ku dhacday Golahii Wakiillada oo uu isaga oo hurda uu dhaqaaqay oo uu
jar ka dhacayo (sleep-walking into disaster), haddii aan cidi u bixin oo ka qaban.
Is-qabad Shirguddoon, Guddiyo kala beddel aan la isla ogayn, daadifayn aan la isla ogayn,
soo jeedin ayidaad ah, Maxkamad Sare , Madaxtooyo, wax ka beddelid Xeer-hoosadkii,
hoos-u-dhigid hab-maamuskii ku-xigeennada, rogaal-celin iyo soo jeedimo kale oo ka dhan
Guddomiyaha. Waxaas oo dhan oo socda oo ay wadaan Xildhibaannadii miyaanay ayaka
hurda soconayn oo jar iska xoorayn.
Toddoba iyo toban sanno Xeer-hoosadkii lagu xalilay khilaafkii hore ee Golaha sidee dib
loogu furaa oo loo beddelaa? Waaba lagu soo dhaqmay muddada dheer si nabad ah.
Shirguddoonka siddeeda sanno miiska wada fadhiyey oo xalaal iyo xaaraanba gacanta wax
wada geliyey oo wax wada shirqoolay waqtigii Madaxweyne Rayaale agoorma ayey is
nacee? Xagee lagu socdaa? Haddii la soo jeediyey qaladkii ha lag noqdo ,maxaa dhincii
kale ugu adkaysanayaa in la sii furo xeerkii oo uu au aqbaliwaayey . Ifafaalahaas oo dhami
waxay ku tilmaamayaan in xildhibaanadu ay sleep-walking into disaster waar ma garatay.
Baadidu meel aany jirin ayaa laga daydayaa.
Waxa arrintan sabab u ah habka saddexda xisbi kaas oo xasilooni dari ku abuuray
siyaasadda Somaliland; oo aakhirka galaafan doona haddii aan laga guurin. aIlaa maalintii
lagu daray qodobkaas dastuurka ee xalaalaynaya asaddex xisbi aqudha aad ayaa looga
qayshay. Dad badan Marxuun Cigaal ka mid ahaa iyo aqoon yahanno ayaa ka digay awax
ka beddelid ayaa lagu soo dhigay oo Golayaasha loo gudbiyey hase yeeshaa dib ayey uu
soo cesheen oo dhagaha furaysteen, maanta ay damabarsanayaan taladii waa la
maqliwaayey.
Hadda ayey muuqataa xisbi lahaa 31 mudane oo golaha wakiilada ah ayaa la yidhi waa aad
hadhay waa UDUB. Xildhibaanadiisii ayaa marba dhinca codka u bixinaya oo fulaacaya ilay
cid ay ku xidhan yihin ma jirto xisbigoodii waa la tirtiray ay u dhaarteen oo magaciisa ku soo
baxeen. Marna bidix mana midig ayey codaynayaan. Kaaga daran eh, haddii xubin ay ka
baxdo golaha waxa lagu bedelaa xubintii ku xigtay liiskii xisbgii ee UDUB, ee la yidhi waa la
tirtiray oo waa sidee? Xisbi marna jira marna aan jirin, xagee lagu arkay sharci sidaas ah .
Waxba kama ay odhan 440 garyaqaan ee Jaamacadda ka soo baqxay cidina cilmi
baaadhis kuma samayn arrintaas sharciyadeeda.
Golaha Guurtidu Falsafad ahaan waxa uu ku dhisan yahay inuu illaaliyo dhismaha qaranka.
Inuu illaaliyo in Waaxda Fulintu Jirto iyo in Waxda Shaci dejintu gaar ahaan Golaha
Wakiiladu u jiro, maadama ay adag tahay in dib loo yagleelo dhinca dhaqanka Soomalida
maamul cusub oo dawladeeda waxa laga sii fekeray inaanu amarnba daaqadda ka bixin
tiirarka qaranku. Sidaas ayaa loo siiyey Golaha Guurtida awoodda mudda kordhinta
Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada . Waa arrin aanay fahmi Karin Khawaajayaashu iyo
kuwa la hal maala ee sidooda u fekera.
Duruufaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo waxa ka dhalan kara ayaa lagu dhisay Guurtida
inay badbaadiso jiritaanka qaranka, Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, sidaa darteed
Gurtida waxa waajibkood kowaad yahay badbaadinta iyo jirtaanka Golaha Wakiilada,
markan iyaga oo aan eegay cidda ay ku ciiridoonto taladu.
Dharaaro Xusuustood ; Qaybtii 21aad
axyi iguma soo dego, Haddana wax ima seegaane
Gabdhaha iyo Ragga Soomaaliyeed ee warbaahinta dunidu ay wax ka qortay kala
mudanaa, oo kala duwanaa. Bal hadda dhaayahaaga la kaasho. Wax ma ku qaadan
doonaa, mise waa sheeko baraley. Edna Adan Ismaaciil waxa la sheegay inay sannadkan
ku guulaysatay inay ka mid noqotay afar qof oo Jaamacadda University of Pennsylvania
ay ku maamuustay shahaado-sharaf ah Dhakhtarnimo ama Honorary Doctor of science,
taas oo lagu tixgeliyey hawlaha Horomarinta Caafimaadka Dumarka ee ay waddo oo ay u
dhistay Cusbitaalka iyo Jaamacadda Caafimaadka iyo weliba faafinta iyo Horomarinta
Xuquuqda Haweenka.
Haddana dadaal ay samaysay Edna Adan Ismaaciil, ayaa lagu dawaynayaa gabadh
Soomaaliyeed cusbitaal ku yaalla dalka Australia oo mudda labaatan sanno ka badan
wejiga xabbadi ka burburisay iyada oo carruur ah dagaalladii dalka ka dhacay ee ay ragga
Soomaaliyeed wadeen ilaa haddana ay wadaan.
Fahma Maxamed waa gabadh Soomaaliyeed oo ku nool dalka Boqortooyada Midawday
(UK), waxa iyana warbaahinta caalamku ka warrantay halganka ay ugu jirto joojinta
Gudniinka Fircooniga ee lagu gabdhaha sameeyo.
Arrintan waxa taageeray oo waraaqo u qoray Wasiirka Waxbarashada ee dalkaas Mr Gove
laba boqol oo kun sidii uu u qaabili lahaa Fahma Maxamad oo wax ula qaban lahaa, kaas
oo qaabilay Fahma oo qaatay soo jeedinteedii ahayd in maamulayaasha Dugsiyada
dalkaas oo dhan Wasiirku warqad u qoro, kuna wargelinayo in laga dedaalo oo laga hortago
gudniinka gabdhaha dugsiyada dhigta, waxana soo bogaadiyay Xoghaya Guud ee
Jimciyadda Qaromaha Ban KI-moon. Waa guul iyo magac u soo hoyatay dadkan
Soomaaliyeed ee kadeedan ee dhibaato wax aan ahayn laga sheegin.
Waxa kale oo mudan magcaabid Marwo Khadra Xayd Marwada Kowaad ee dalka
Jamhuuriyadda Djibouti oo Cusbitaal ka dhisaysa Degmada Kalabaydh Gobalka Gabiilay
ee Jamhuuriyadda Somaliland, halka dawladda Djibouti ee raggu xukumaan ay hub iyo
ciidan u dirtay dalka kadeedan ee Soomaaliya.
Haddii aan u gudubno dhinaca carriga Maraykan iyana waxa warbaahinta sheegtay in
gabad la yidhaahdo Ladan Cismaan ay ku guulaysatay gabayo ay afka Ingiriiska ku qortay
oo la siiyay abaalmarin, oo la daabacayo buuggeeda gabayada ah ee lagu magcaabo The
Kitchen Dwellers Testimony. Qolada siisay abaalmarinta waa la yidhaahdaa Sillerman
First Book Prize For African Poets. Abaalmarintan oo sannadkiiba mar la bixiyo sannadkan
waxa heshay Ladan Cisman oo ah gabadh Soomaaliyeed.
Waxa guulahaas barbar socdaa dilka, af-duubka, is-qarxinta, budhcad-badeedka iyo
dhibaatooyinka ay fulinayaan ragga Soomaaliyeed ee magac-xummadda u soo jiidaya
dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Culimada barata Cilmiga Maskaxda iyo Garaadka Dadka ee la dheho Social Psychology
waxay cilmi-baadhis ku sameeyeen laba qolo oo ah daayeerada dadka u eg. U-ekaanta
guud mooyaane waxa aynu wadaagnaa boqolkiiba sagaashan hidda-socyada (94%) of the
genes, kuwaas oo lagu kala magcaabo: Bonobo iyo Chimpanzee, noloshooda iyo hab-
dhaqankooda.
Waxa ay sheegeen Culimadu in qoloda Bonobo ay ku yar tahay dirirto iyo is-dilku, qolada
chimpanzee ay ku caan tahay diritu iyo dilku iyo dagaalku, oo la isku duulo oo qolo-qolo la
isu dilo, iyada oo ay sabab u tahay qoloda nabadda iyo jacaylka ku nool ee carruurta la
wada koriyo ee qariibka soo dhowaysa ay maamulka iyo dhaqaalaha bulshada wax kuwa
leeyihiin dhedigu ama dumarku oo haddii kuwa laba ay dirir sameeyaan ay isugu tagaan,
halka qolada dagaalka iyo dirir kooxeedka ku nooli ay maamulaan daaxuuradu ama
cooflayaashu alpha male oo aan dhedigu wax awood ah ku lahayn maamulka iyo
dhaqaalaha bulshada.
Sidaa darteed, waxa arrintaas laga saadaaliyey xagga dhinaca dadka bulshada dumarku ay
awood dhaqaale iyo maamul oo la mid ah ka ragga ay leeyihiin, waxa dhacda in
bulshadaasi ay tahay mid nabadda iyo wax wada qabsigu iyo naxariistu ku xoogan tahay.
Bulshada dumarku aanay lahayn xuquuq la mid ah xuquuqda ragga waxa ku badan dirirta
iyo dagaalka iyo is-dilka iyo naxariis laaanta. Waxa tusaale looo soo qaataa dalalka Bariga
Dhexe ee Carabta iyo kuwa Afrika ah ee dumurku lagu yaso aanay xuquuqda ragga lahayn,
halkaas waxa ku badan dilka iyo dirirta iyo is-qabdka, dhinaca kale ee dalalka horumaray ee
reer galbeedka ee xuquuqda dumarka wax loo oggolaaday, inkasta oo aanay weli gaadhin
ragga, waxa ka jirta nabad iyo istaakulayn iyo naxariis.
Bal akhristaw eeg warbaahinta dunidu waxay sheegtay laba iyo toban kun (12000) oo
Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dal hodan oo carab oo aan jaar nahay, halka Boqolaal
kun oo Soomaali ah la dejiyey dalalka Reer Galbeedka oo sharci iyo nolol la siiyey, iyada oo
laga naxay daruufaha nololeed ee dalkooda ka jira. Dalkaas Carbeed waa dal aan u ogolay
wax xuquuq ah dumarka oo aan xataa inay keligood socdaalaan loo oggolayn. Wax raad ah
bulshada maamulkeeda iyo siyaasadda kuma ku dhex laha, sidaas darteed naxariistu wa ku
yar tahay bulshadaasi. Waa kaas soo tarxiilay qaxootigii, dunida oo dhami gaal iyo islaam la
soo dhoweeyey.
Hadal iyo dhammaantii aan u ogaalanno xuqooqdooda dumarkiina, oo golayaasha aan
kuraasi koote ah ka siino, Wasiirrada aan u badino, Guddomiyaha Golaha Wakiillada,
Maayarada aan qaar ka dhigno dumar, xataa Madaxweyne qof dumar ah aan maanta
dooranno dhinaacaas ayaaba ictiraafkii ka dhaw yahay. Wasaarad waxbarashada
gabdhaha ah gaar u ah aan samayno, bankiyo dumarka dhaqaale u abuura ha la sameeyo
si ay u soo baxaan boqolaal Edna, Fahma, iyo Ladan.
Dharaaro Xusuustood; Qaybtii 23 aad
Waxayi iguma soo dego
Haddana wax ima seegaane

Waa maalin Khamiis ah, saacaddu waa shantii galabnimo, taariikhdu waa 19-kii bisha May
sannadkii 1960kii. Goobtu waa Gurigii Boqortooyada Itoobiya, magaalada Adiis Ababa.
Waa kulan laba dhinac ah oo dhexmaray Haybadleh Boqor Haille Salassie oo ay
waheliyaan Wasiirradiisu oo ay ka mid yihiin laba Wasiir-ku-xigeen oo Soomali ihi.
Dhinaca kale waa afartii Wasiir ee reer Somaliland ee la soo doortay oo uu hoggaaminayo
Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, saddexda kale oo ahaa Marxuun Cali Garaad
Jaamac, Marxuun Xaaji Ibraahim Nuur iyo Mudane Axmed Xaaji Ducaale.
Afarta Wasiir waxay bishaas May shanteedii heshiis kula soo galeen Boqortooyada
Midawday (UK) magaalada Londhon in Somaliland ay xoriyaddeeda qaadato bisha Juun
26-keeda, isla sannadka 1960. Dabadeed, waxay socdaal ku tageen magaalada Muqdishu
oo ay halkaas wada-hadal kula yeesheen madaxda dalkaasi Soomaaliya, kadibna waxay
yimaadeen Addis Ababa oo kulankani ka dhacayo. Qolo waxay ku hadlaysaa Af-soomali,
qolada lalena Af-Axmaar waxa u kala tarjumayaa Wasiir-ku-xigeennada Soomaalida ah ee
reer Itoobiya.
Haybadle (His Imperial Majesty) Boqor Haille Salassie: ayaa hadalkii furay oo yidhi; Waa
ku faraxsan nahay inaannu idinku qaabilno halkan maanta. Waa idiin furan yahay ee kuu
soo dhowaada.
Marxuun Maxamed Xaaji Cigaal: Waxan muddo dheer sugaynay in aannu mar uun kula
kulanno oo kula hadlo, waayo Haybadle, marna adiga toos uma aynaan wada hadlin, haddii
aannu Sooomali nahay. Warar qaldan ayaa la isaga keen gudbin jiray. Haddii nasiib-
wanaag aynu kulannay markii u horreysay, waxannu kuu caddaynayaa inaanay jirin wax
colaad ah oo dhinaca Somaliland lagaga qabaa. Maanta waxan u nimid inaannu ku aragno,
waxaannu aaminsan nahay, in kulankani bilaabi doono xidhiidh wanaagsan oo dhexmara
labadeena dal iyo dadkooda. Danteena ayaa ku jirta in xidhiidhkeenu ahaado mid
wanaagsan.
Waxa aannu dhowaan noqon doonaa dal madaxbanaan, waxa aannu kugu nimid inaad
gacan nagu siisid sidii aan u dhisi lahayn dalkayaga, inuu noqdo mid dhab ahaan u madax
bannaan.
Haybadle waxa jira dhul loo yaqaan Haud and Reserve Area (Hawd iyo Riseerf eeriya) oo
ay degaan dadkayagu sannadkii inta badan, dhulkaas oo gacantiina ku jira. Dadkaasi ma
xukumi karno, haddii dhulkaas ay degaan aanu gacantayada ku jirin.
Sidaas darteed, waxa aannu ka codsanaynaa Haybadle inaad gacan nagu siisid sidii aad
noogu soo wareejin lahayd dhulkaas marka aannu gobanimayada qaadano. Halkan
imaatinkayagu ma ah inaannu wax idinku qabsanno ee dal Afrikaan ah oo aannu walaalo
nahay ayaanu jeclaysany in aannu codsigan u gudbino. Waxaannu ku kalsoon nahay in
wax qoomamo ihi kaga iman doonin dal soo koraya oo aad gacan qabatid.
Haybadle dadka Soomaaliyeed meel kasta ha joogeen abaal ayey kugu hayn dooonaan
gacan qabashadaas. Sidoo kale dadka reer Afrikana waa ay soo dhowayn doonaan.
Haybadle dalkaagu waa dawladda ugu fac weyn dalalka Afrika, sidaas darteed gacan
ayaad na siin karta, oo wax baad ka qaban kartaa baahidayada. Afriki waa isu imanaysaa
waxa hoggaamin doonaa ciddi gacan qabta oo kalmaysa dalalka xoriyadoodu cusub tahay
ee hadda gumaysiga ka xoroobay.
Maanta haddii aad na taageerto waxaad ku guulaysanysaa jacalyka iyo ixtiraamka dadka
reer Afrika, arrintaas oo sida aan u arko ka muddan oo kaaga qiima weyn Boqornimada
Itoobiya keligeed. Hadalkayagu maa aha mid afka baarkiisa ah, waa mid ka soo goay
kashka iyo wadnaha. Wixii aad na tidhaahdidna sidaas oo kale ayaan u qaadanaynaa.
Haybadle arrinta furaheedu gacantaada ayuu maanta ku jiraa, waxa aannu u dheg
taagaynaa goaankaaga. (La soco waxa saaxiibadii ku dareen qoraalka dambe)
Prof. Maxamed Siciid Gees Qeybtii 25aad
Haybadle Boqor Haille Salassie: Warkiinu ma aha mid toos looga jawaabi karo, waayo
waxa uu u baahan yahay feker badan. Taariikhda Itoobiya waxay caddaynaysaa in
soodimaheedu ay gaadhsiinaayeen Geeskan Afrika ilaa Areebiya (Arabia). Waxa hadda
sidan ku soo koobay soodimaheeda, duulimaadkii ay nagu soo qaadeen cadawgayagu iyo
dareen laaanta dadkayaga.
Waxa xorriyadda la idiinku oggolaaday dhowaan, waxa laga cabsaday waddaniyadayada
iyo qiiradayada. Eriteriya muddo badan ayey ku jirtay gacanta cadawgayaga, Illaahay
mahadii waa nagu soo noqotay, annaga ayey wax nala qabtaa.
Marka laga yimaaddo Eriteriya, Harar iyo Ogadeen ma aha dhul hadda nagu soo wareegay,
Aabbahay ayaa xukumi jiray, dabadeedna annaga ayaa uga dambaynay. Markii Eriteriya
iyo Asmara naloo soo ceshay, Soomaaliya iyo Moqdishu waxa loo dhiibay Talyaaniga.
Maxay ahayd ujeeddada laga lahaa arrintaasi? Talyaanigu waxa uu ahaa cadawgayaga;
iyagana waa uu gumaysan jiray haddana waxa la yidhi Wisaayad ku haya.
Markii aannu ku soo noqonay dalkayaga waqtigii dagaalkii labaad, waxa na weydiistay inay
sii maamulaan Ogadeen Biritishka, arrimo digtooni dagaal (istraatijiyadeed) awgood.
Dagaalkii ka dib way sii haysteen oo marba qurub ayey noo soo celinayeen ilaa la gaadhay
1954 oo intii u dambeysay ay soo celiyaan markii aan ka joogi waynay. Ma idiin sheegi karo
dhibaatada naga gaadhay sidii dhulkaasi uu gacantayada ugu soo noqon lahaa. Waa aad
ogsoon tihiin in Hawd iyo Reserve Area aanay ahayn dhul madhan oo cidi lahayn (No mans
Land) ee Ogaadeen ayaa muddo dheer degganaa oo ku noolaa.
Arrintaan rabo inaan idiin caddeeyo waxay tahay weligeen ma noolaanaynu, sidaa darteed
qofku waa inaannu samayn wax hadhaw laga qomamoodo ama laga shaleeyo. Qof kastaa
waa kala garan kara xumme iyo wanaag, gef iyo toos. Waxaad hadda na tidhaahdeen ma
aha war nagu cusub, Reer Yurub ayaa warkaas oo kale yidhi. Waxa mar hore soo jeedisay
in la dhiso Soomaali weyn ninkii Bevin [Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada
Midawday (UK) 1945 1951]. Waa aannu diidnay soo-jeedintaas oo looga dhan lahaa in
dalkayaga lagu googoosto; deeto waa la iska dhaafay soo-jeedintii. Idinku ma tihidin
cadawgayaga ee waxaad tihiin Walaalahayo. Cadawgayagu waa ninka saanta cad.
Talyaanigu waxa uu mar yidhi waxan rabnaa Wal Waal, si aan nabadda u illaaliyo. Waa
diidnay in dalkayaga la googoosto, deeto waad la socotaan wixii ka dhacay iyo sheekadii
halka ay ku dambaysay (Talyaaniga ayaa ku duulay Itoobiya oo qabsaday). Idama lihin
Talyaaniga ayaad la mid tihiin, balse waxa aannu idin xusuusinaynaa sida uu muqadas
noogu yahay dhulkayagu.
Inkasta oo Biritish-ku ay isaga hadheen soo-jeedintoodii ahayd Soomaali-weyn, waxay
dhowaan la yimaadeen midawga Soomaaliya iyo Maxmiyadii Somaliland. Kama aannu hor
iman arrintaasi inay dhacdo Waxa aan ka baqnay in la isku kaaya diro Soomaaliya,
sidaas darteed waxa aan la xidhiiidhnay Cabdullaahi Ciise (Madaxii Dawladda Soomaaliya)
si aannu uga saarno shakiga la geliyey. Waxa aannu u caddaynay inaanaan wax ka qabin
xorriyadooda iyo midawgaba. Markii aannu Ogadeen u tagnay sidaas si la mid ah ayaan u
sheegnay.
Haseyeeshee, haddii gobanimadaasi iyo midawgaaasi uu yahay far cusub oo isticmaar oo
cadawgayagu wato; waa ka horimanaynaa. Cidina nooma iman oo naguma mahadnaqin
taageeradaasi. Wax xummaan ah uma aanaan qaadan maqnaashahaas, waxa laga yaabaa
inaad sababo kale ku maqnaydeen. Midabkeena, dalkeena, ciiddeena ayaa ina mideeya,
ma jirto sabab aan ku colownaa. Muqdisho ayaad tagteen si aad ula midoobi lahaydeen
Soomaaliya. Markii Biritish-ku uu idiin oggolaaday xorriyadiina, maxaad noogu iman
waydeen intaydan tegin Soomaaliya iyo London? Itoobiya oo ah deriskiina koowaad oo ah
dal madaw, maxaad annaga noogu soo horreyn weydeen, hadhow waxaad doontaanba
sameeya oo? Haddii rabitaanka gobanimadu uu runtii dhinaciina ka yimid, annaga ayaad
noo iman lahaydeen, waxase aan darremaynaa inay tani tahay dib u soo noolayn qorshihii
Beeefin (Bevin plan) iyo Soomaali-weyn.
Halkan [Itoobiya] cidna laguma dhibo, ha ka yimaaddo Soomaaliya ama Somaliland ama
meel kaleba. Hadalkiina fiican ee aad ku soo qaadeen gobanimada dalalka Afrika ee ka
xoroobaya isticmaarka shisheeyaha iyo inaannu nahay odayga madaxda Afrika aad ayaad
ugu mahadsan tihiin. Haseyeeshee, waxay ahayd inaad annaga nala wadaagtaan farxadda
gobanimadiina, annaga oo ah dalka ugu daweyn dalalka Afrika, halka aad cadawgayaga
ugu tagteen.
Qofna gacantiisa ma gooyo, oo kuma sooryeeyo qof kale si loogu amaano. Ma doonayno
hal hiish oo dhul cid kale leedahay. Bal soo eega sida Eriteriya u horumartay markii ay
gacantayada dib ugu soo noqotay. Waxa aannu ka dhisnay mashaariic beerood, waxaannu
ka dhisnay cusbataalo, dugsiyo iyo wershado, ma tirin karo mashaariicda horumarinta ah ee
aan ka fulinay Eriteriya.
Wasiirkayga Arrimaha Gudaha oo Badhasaab ka ahaa ayaad ka warsan kartaan
arrimahaas haddii aad rabtaan Waxa aynu nahay dad walaalo ah, waxase xidhiidhkeena
xummaynaya qorshii hore ee isticmaarka. Markaad Muqdisho tagteen, waxad u ololayseen
Soomaali-weyn iyo inaad ka mid noqotaan Commonwealth-ka (Barwaaqasoornka Boqorada
Biritisku Madaxda ka tahay). Aniga oo ah Boqor Afrikaan ah, miyaad iga filaysaan inaan lug
iska gooyo oo oggolaado in lagu xidho Commonwealth-ka, sida aad isugu xidheen?
Ogaadeen waa walaalihiin ,miyey ka raali noqonayaan in dalkooda la siiyo Commonwealth-
ka? Ma la idiin qabo wax xummaan ah, haseyeeshee si cad oo run ah ayaannu idiinla
hadlaynaa. Afriki waxay nagu qiimayn doontaa sida aannu xukunno dadkayaga iyo sida
aannu u xurmayno deriskayaga. Walaalayaal idima siin karno qayb ka mid ah dalkayaga.
(Warbixintii Wardoonka Dawladda British-ka, la soco)
Prof. Maxamed Siciid Gees (Q/ 26aad)
Waxyi uguma soo dego
Haddana wax ima seegaane

Horraantii sannadkii 1998, ayaa wefdi uu hoggaaminayey Marxuun Maxamed Xaaji
Ibraahim Cigaal booqasho ku tegay Djibouti, waxa wafdigii gurigiisa ku martiqaaday
Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo aan markaas Madaxweyne u ahayn dalka Djibouti,
balse ahaa madaxa Hayadda Sugidda Nabadgelyada.
Wafdigaas waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Mudane Axmed Maxamed Maxamed
(Siilaanyo) oo markaas ahaa Wasiirka Maaliyadda, Marxuun Maxamuud Saalax Nuur
(Fagadhe) oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mudane Cali Sheekh Carraaye oo ahaa
Wasiirka Dhaqanka iyo aniga oo ahaa Wasiirka Qorshaynta.
Marxuun Cigaal ayaa sheekeeyey oo yidhi; Ismaaciilow, dadku waxay u haystaan inaan
ahay nin ayaan badan; marka ay arkaan aniga oo madaxnimada ku soo noqnoqonaya,
haseyeeshee anigu waxan isu arkaa nin ayaan-darran. Waxa aan dadkayga hoggaamiye u
noqday aniga oo nin dhalinyaro ah (31 jir), waxa xukunka ila wadaagay Odayaal iga
daweyn. Markii aan idhi; Waar yaan lagu degdegin is-raaca Somalia ee horta aan innagu
wax dhisanno, waa la igu diiday oo la yidhi inankan yari inuu halkan nagu haysto oo nagu
xukumo ayuu rabaa.
Haddana waxa xukunka ila wadaaga niman dhallinyaro ah oo aan ka daweyn ahay. Marka
aan idhaahdo waar goonni-isu-taagga aan siyaasad kale u marno; waa ay ka boodaan oo
waxay yidhaahdaan Muqdishu iyo Soomaali-weyn ayuu wadaa. Akhristow arrinta hore waa
la arkay cidhib-xummadeedii, arrinta labaad taariikhda ayaan u daynaynaa.
Warbixintan uu Khawaaje Biritish ihi ka diyaariyay doorashadii ka dhacday Somaliland
sannadkii 1960 iyo aragtidii xisbiyada iyo siyaasiyiinta ku loollamay oo aan soo turjumay bal
dheeho. Waxay mugdiga ka saaraysaa waxyaalo laga sheegi jiray xisbiyadaas iyo
siyaasiintaas hore marka laga hadlayo isu-taggii aan la mahadin iyo siyaasadda dalalka
reer Galbeedku cidda ay mudnaanta siiso oo ay wax ku qiyaasto marka laga hadlayo
Geeska Afrika mar hore iyo mar dambeba ilaa maanta.
Doorashadii Golaha Xeer-dejinta ee Maxmiyadda Somaliland
1. Doorashadii Golaha Xeer-dejinta waxa la qabtay bishii February 17-keedii, halkaas oo
lagu tartamayey 33 kursi oo golahaasi ka koobnaa. Waxa tartamayey laba is-bahaysi oo
xisbiyo siyaasadeed ah. Isbahaysiga kowaad waxa uu ka koobnaa: National United Front
(NUF) iyo Somali Youth League (SYL). Isbahaysiga labaad waxa uu ka koobnaa Somali
National League (SNL) iyo United Somali Party (USP).
2. Natiijadii doorashadu ma ay noqon tii la filaayey. Waxa maamulka Dawladda
Maxmiyaddu u haysteen in Xisbiga (NUF) oo uu hoggaamiye u ahaa Michal Mariano oo
ahaa nin Masiixi ama Kiristaan ihi inuu ku guulaysanayo doorashada. Ninkaasi oo xidhiidh
dhow la lahaa madaxda maamulka ka taliya Maxmiyadda Somaliland, waxase muuqatay in
xisbiga SNL ku soo aaray ,taas oo dhalisay in Badhasaabku uu sheego in xisbigani uu aad
u cadcad yahay oo guushu raaci doonto. Is-bahaysigii SNL/USP waxa uu ka helay 33kii
kursi , 32 kursi, waxa uu codeeyey afartii meeloodba saddex (3/4). Gaar ahaan xisbiga SNL
waxa uu helay aqlabiyadii kuraasida keli ahaantii, kuwaasoo ahaa 20 kursi. Badhsaabkii
waxa uu ka magacaabay is-bahaysigii SNL/USP, afar Wasiir iyo Wasiir-ku-xigeen. Waxa ay
yeesheen aqlabiyaddii Golaha Fulinta ee Maxmiyadda .
3. Ma kala duwanayn barnaamijyada is-bahaysiyadu ama xisbiyadu. Labada qoloba waxay
u ololaynayeen in lagu darsamo ama lala midoobo Somalia iyo in la raadiyo Soomaali-
weyn. Michal Mariano iyo saaxiibadii ayaa xidhiidh dhow la lahaa xukuumadda Somalia,
kuwaas oo filayey in xisbiga NUF uu ku guulaysanayo doorashada.
Xisbiga SNL waxa isaga lagu sheegi jiray inuu la haysto Masar iyo Qaahira, arrintaas oo ay
ku eedayn jireen qolada ka soo horjeeddaa, haseyeeshee isla markaana iyaga ayaa
xoogaa ka macquulsanaa oo ka debacsanaa marka laga hadlo xidhiidhka Itoobiya. Sababta
oo ahayd xisbiga SNL oo taageero weyn ka heli jiray ganacsatada ama tujaarta reer
Berbera oo danaynayey gancsiga ay la leeyihiin Itoobiya. Waxa kale oo jirta in
Wasiirradooda mid ka mid ihi uu ilaa dhowaan ka mid ahaa shaqaalaha dawladda Itoobiya.
4. Caddaymaha aragtida siyaasadeed ee aan ilaa hadda ka haynno qolada guulaysatay
waa kuwa dhiirirngelin leh. Doorashada ka hor hoggaamiyaha SNL Maxamed Xaaji
Ibraahim Cigaal waxa uu u sheegay diblomaasi ka tirsan Qunsuliyadda British-ku ku
leeyahay Muqdisho in xidhiidhka ka dhexeeya dawladda Somalia aanu fiicnayn. Waxa uu
yidhi, Haddii aannu ku guulaysano doorashada waxa aannu ku dedaali doonnaa in aannu
hagaajinno xidhiidhka naga dhexeeya qolada reer Somalia.
Waxa kale oo uu faq ugu sheegay Badhasaabka dharaaro dhowayd intii la doortay, arrimo
aad u macquul ah, waxanu yidhi; Inkasta oo midawga loo baahan yahay ma ah in lagu
degdego ee waa in hadba tallaabo loo qaadaa. Haddii degdeg la isugu darsado waa nala
qashiinsanayaa oo nala ku leefayaa, waayo waa naga waayo-aragsan yihiin dhinaca
siyaasadda iyo is-maamulka.
Sidaas darteed, sannadka dambe heshiisyo ku kooban dhinacyada kastamada iyo
socdaalka ayaan wada gelaynaa. Midawgu iyo isku darku ha sugu ilaa dhammaadka
sannadka 1962. Waxa kale oo uu qabaa in tallaabooyin hore ay u sii qaado Somaliland
dhinaca dastuurka iyo siyaasadda is-maamulka oo la magcaabo Wasiir kowaad (Prime
Minister).
Waxa kale uu u qabaa in maamulka ay gacanta kula si jirto dawladda British-ku oo Xoghaya
Guud ee Maxmiyaddu oo ahaa nin Ingiriis uu sii hayo Arrimaha Dibadda iyo Difaaca. Uma
muuqan Cigaal nin ku degdegsan in maxmiyaddo qaadato xoriyad hadda iyo inay xubin ka
noqoto Ururka Barwaaqa-sooranka (Commonwealth).
Dhinaca xidhiidhka Itoobiya waa uu danaynayaa in Itoobiya Qunsuliyad ka furato Hargeysa,
balse horta in la wada xidhiidho marka hore ayuu qabaa. Ma qabo in la soo hadal qaado
Qunsilyadda arrimaheeda ilaa la wada hadlayo.
5. Warbixintan kalma aan tashan Xafiiska Isticmaarka ee British-ka,waxanse rajaynaya inay
suurtagal tahay in la helo aragtida ay ka qabaan arrimaha halkan lagu soo qaaday.
(H.F.T. Smith) March 1, 1960

Vous aimerez peut-être aussi