Vous êtes sur la page 1sur 2

T e le s o m

T h e R e l i a b l e C h o i c e

EXECUTIVE COMMITTEE WEEKLY MEETING

MINUTES OF MEETING
Shirkii madaxda gudiga fulinta shirkadda oo qabsoomay November 1st, 2012, laguna qabtay Hool-ka shirarka saacadu markay ahayd 8:45 Am. KA SOO QAYB GALAYAASHA SHIRKA

1. Gud, Ciise Maxamuud Faarax 2. Eng Muuse Cali Cige 3. Maxamed Xasan Diriye 4. C/salaam Ismacil Nuur 5. C/wahaab Maax Maxamuud 6. Maxamuud C/raxmaan Gadhyare 7. C/laahi Maxamuud Jibriil
WAXA MAQNAA

1. Faarax Maxamed Guure Sugaal (Xajka) 2. Eng Siciid Xuseen Guleed (Shaqo)
AGENDAHA SHIRKA

Aqoonmaal News Policy Number Plan Rate-ka Prepaid-ka lagu dalaco Macmiilka ee wadama qaar Sarifka lacagaha Shiling Somaliga ee Prepaid-ka

AQOONMAAL NEWS POLICY 1. In la tafatiro wararka ka baxa AQOONMAAL (Editing) 2. In warka cidiisa loo tiiriyo oo la sheego meesha laga soo xigtay (Source of the News) 3. In la joojiyo guud ahaanba wararka wixii dagaalada ku saabsan gaar ahaan wararka Somaliland iyo Somalia. 4. In wararka ku saabsan ganacsiga iyo ascaarta dib loo cusboonaysiiyo (Update), isla markaana headlines-ka lagu soo daro 5. In arinta Quoting-ka dib loogu noqdo oo inamada AQOONMAAL ka shaqeeyana lagala hadlo 6. In aynu raadsano oo la tashano cid aqoon u leh saxaafada, gaar ahaan meelaha aynu uga baahanahay sida wararka ay haaydo kale qoreen, marka la soo qaato wixii ka dhalan kara, iyo sharciyada saxaafada la xidhiidha ee ay dhibi inagaga iman karto. 7. Wararka barnaamijka AQOON-MAAL, waxa loo xilsaaray inuu masuul ka noqdo Abdisalan Ismail Nur.

RATE-KA PREPAID-KA LAGU DALACO MACMIILKA EE WADAMA QAAR Kadib dood dheer oo la isku mari waayey in wax laga badalo qiimaha wadamada la sheegay inuu qiimahaheenu hooseeyo marka loo eego qiimaha ay inaga qaadaan, in dib loo dhgigay doodiisa, iyada oo loo dhanyahayna dib looga wada niqaashi doono inshaalahu.

NUMBER PLAN
[

In dib loogu noqdo oo la kala shaandheeyo numbers-kii ay hore ay u soo gudbiyeen xafiiska ENG, isla markaana laga sii isticmaalo wixii laga heli karo, iyada oo shir guud ee deg deg ahna laga gali doono in number plan-ka shirkadda wax lagu kordhiyo. Wiiga soo socda ugu dambayn ilaa isniinta ayaa laga rabaa C/laahi Xaaji, Mustafe C/raxmaan iyo C/wahaab inay u gudbiyaan Sales-ka marka ay soo kala saaraan numbers-ka wixii dib looga isticmaali karo.

SARIFKA LACAGAHA SHILING SOMALIGA EE PREPAID-KA Maadaama uu C/laahi Xaaji sheegay in xal ku meel gaadh ah loo hayo arintan oo ah, in dawlada lagu siiyo Minutes wixii prepaid ah sida horeba loogu sameeyey Minutes-ka shaqaalaha Landline-ka, waxaana la isla qaatay sidan: Inta aan la hirgalin ka hor, in loo gudbiyo gudiga Riqaaba Sharciya, wixii ka dhimana in qolyaha R&D- ay hawlahooda ku sii dhamaystirtaan.

Allaa Mahad Leh

----------------------Omar A. H. Mubarik, Executive Secretary,

Vous aimerez peut-être aussi