Vous êtes sur la page 1sur 2

ARTICLE: Dawladda Soomaaliyeed iyo

bahwadaagteeda oo daaha ka rogey qorshe sare


loogu qaadayo isku-duwidda taageerada
caalamiga ah ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
SOURCE: UNSOM PUBLIC INFORMATION
RESTRICTIONS: This media asset is free
for editorial broadcast, print, online and
radio use. It is not to be sold on and is
restricted for other purposes. All
enquiries to thenewsroom@auunist.org
CREDIT REQUIRED: UNSOM PUBLIC
INFORMATION
LANGUAGE: SOMALI
DATELINE: 30/JUNE/2016, MOGADISHU, SOMALIA

ARTICLE
Muqdisho: 30 June 2016 Mashruuc ay ka wada qaybqaadanayaan
bahwadaag kala duwan islamarkaana diiradda lagu saarayo isku-duwidda
kaalmada caalamiga ee loogu talogalay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
ayaa Muqdisho lagu soo bandhigey Khamiistii.
Unugga Isuduwidda Mashquucyada Booliiska oo ka kooban xubin mataleysa
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qaybo kala duwan oo Qaramada Midoobay
ka kala socda iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM ), oo
ah deeq bixiyeyaal isfahamsan iyo mashaariic, ayaa leh hab ay
macluumaadka ku wadaagaan bahwadaagtu, sidoo kalena iskula jaanqaadi
karaan, si looga jawaabo baahida booliiska Soomaaliyeed.
Soomaaliya, haba gaabisee si hufan ayay uga soo kabanaysaa 20 sano oo
dagaal sokeeya ah, baahi ayay u qabtaa helidda ciidan boolis oo xooggan oo
heer Federaal iyo mid maamul goboleedba leh, ciidankaas oo awood u
yeesha ilaalinta nafta iyo hantida mawaadiniinta, islamarkaana xaqiijiya in
dalka nabad iyo ammaan lugu soo dabbaalo.
Mashruucan cusub ayaa waxaa majaraha u qabanaya saraakiil ka socda
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Isaga oo ka hadlayey xafladda ayuu Gen Bashiir Abdi Mohamed yiri
Guddigan hawshiisu waa inuu dhiso ciidan xirfadleh oo awood u leh inuu
adeeg tayo leh u qabto dadweynaha kolka ay soo waajahaan xaaladaha
adag.

Gerard Smith oo ah isuduwaha sare ( ee mashaariicda booliiska) oo ka socda


UNSOM, ayaa sheegay in ay kooxdooda ka goantahay hormarinta
isuduwidda sare u qaadidda
ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
Gudoomiya guddiga PPCC Said Hassan ayaa tibaaxay in Soomaaliya u
baahantahay ciidan booliis aamin ah, xirfadeysan islamarkaana qalab ku filan
haysta si uu guto waajibaadkiisa.
Amadu Mannah, kuxigeenka madaxa booliiska AMISOM ayaa xustay in
Madasha Hogaaminta Qaranka ay meelmarisay nooca booliis ee uu dalka
yeelanayo sidaa darteed ay tahay calaamad muujinaysa aqoonsiga haybadda
ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo mid maamulgoboleed
ba.
Meelmarinta habka booliiseynta ee dalka oo ay Baydhabo ku saxiixeen
Madasha Hogaanka Qaranka ayaa ahayd horumar weyn. Taas macnaheedu
waxa ay tahay in dhammaan ciidanka gobolada iyo kan qaranku ba ay awodi
doonaan in a si wadajir ah uga hawlgalaan dalka si isku mid ah, ayuu yiri
Mannah.
Gaashaanle Dhexe Zakiya Xuseen Axmed oo ka tirsan Ciidanka Booliska
Soomaaliyeed, ayaa amaantay mustaqbalka ciidanka Booliska Soomaaliyeed,
iyada oo sheegtay in hadafku yahay sidii loo heli lahaa ciidan hufan oo ku
dherersan heerka tayo ee ciidan oo caalamiga.
Hadafka uu ciidankeenu leeyahay ayaan ku sinneyn inaan noqono ciidan
xoogan oo isku filan oo Soomaaliya amaankeeda suga ee keliya, ee waxay
aynu ku taameynaa dhisidda ciidan wax ka qabta amaanka gobolka oo
dhan., ayay raacisay Zakiya.
Kolka uu guddigan (PPCC) shaqo billaabo wuxuu ku filnaan doonaa iskuduwidda dhammaan arrimaha mashruuca ee Booliska la xiriira,asagoo
kaashanaya hayadaha jira ee dowladda Soomaaliya.

Vous aimerez peut-être aussi