Vous êtes sur la page 1sur 2

Institute for Somali Studies ‫معهد الدراسات الصومالية‬

Mogadishu - Somalia ‫ الصومال‬- ‫مقديشو‬

28 Maarso 2018

ACSOS2018
Aqoonisweydaarsiga Sannadlaha 4aad
ee Cilmibaarista Soomaaliyeed

Baaq Qoraallo & doodo– Call for papers & panels

Machadka ISOS wuxuu qabanqaabinayaa Aqoonisweydaarsiga Sannadlaha 4aad ee


Cilmibaarista Soomaaliyeed (The 4th Annual Conference on Somali Studies) [ACSOS2018],
oo la qabanayo 13-15 Noofambar 2018, laguna qabanayo Muqdisho, Soomaaliya.
Aqoonisweydaarsiga Sannadlaha ah ee Cilmibaarista Soomaaliyeed [ACSOS] ujeeddadiisu
waa xoojinta cilmibaarista iyo in si cilmi ah loo lafaguro arrimaha Soomaalida iyo guud
ahaanba Geeska Afrika. Waxaa qabanqaabiya Machadka Cilmibaarista Soomaalida [ISOS],
oo ah xarun cilmibaariseed oo ka tirsan Jaamacadda Muqdisho.
Aqoonisweydaarsigan waxaa la bilaabay sannadkii 2014ii, kiisii 1aad waxaa la qabtay 17
Abriil 2014; kii 2aad waxaa la qabtay 5-6 Oktoobar 2016; kii 3aad waxaa la qabtay 28-30
Noofambar 2017; kanna waa kii 4aad.

Yaa ka soo Qaybgelaya?


Machadka ISOS waxa uu ku casuumayaa dhammaanba aqoonyahannada,
cilmibaarayaasha, macallimiinta Jaamacadaha iyo khubarada kaleba inay soo gudbiyaan
qoraallo [papers/abstracts] iyo doodo [panels] ay kaga qaybgelayaan ACSOS2018; oo ku
qoran mid ka mid ah luqadaha English, Carabi ama Soomaali.

Mawduucyada
Qoraallada iyo doodaha waxaa laga soo gudbin karaa mawduuc kasta oo ka hadlaya
arrimaha Soomaalida, waxaana ka mid ah:
1. Arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo tacliinta sare
Health, education and higher education
2. Xuquuqda Aadanaha, caddaaladda iyo dhisidda nabadda
Human Rights, justice and peace building
3. Khayraadka biyaha, deegaanka & abaaraha
Water resources, environment & droughts
4. Dhaqaalaha, horumarinta, maamulka iyo siyaasadda
Economy, development, governance & politics
5. Aqoonta, cilmibaarista iyo faafinta
Knowledge, Research & publishing
6. Raadraaca taariikhda, afka, dhaqanka iyo suugaanta
History, language/linguistics, culture and literature
7. Bulshada iyo ururrada bulshada rayidka
Society & Civil society organizations
8. Arrimaha haweenka, dhallinyarada iyo carruurta
Women, youth and children issues
9. Qurbaha iyo qurbojoogta, tahriibka, qaxootiga iyo barakacayaasha
Diaspora, migration, refugees and IDPs
10. Warbaahinta, baraha bulshada
Media, social media
Waxaan boorinaynaa qoraallada iyo doodaha wax dhisaya ee xambaarsan xog ballaaran iyo
gorfayn cilmi ah; kana hadlaya xaaladaha jira iyo siyaabaha loola falgelayo.

Hannaanka soo jeedinta

 Muxaadaro/erayo khubaro lagu martiqaaday [Keynote speeches]


 Soo bandhigid qoraal [Paper presentation]
 Soo gudbin dood {panel discussion]
Fadhiyada qoraallada [presentation sessions] waxaa markiiba la soo bandhigayaa 3-4
qoraal oo mawduuc guud wadaaga. Qoraal kasta waxaa loo qoondeeyay 15-20 daqiiqo.
Fadhiyada doodaha [panel discussions] waxaa doodda wadaagaya 3-4 qof, qofkiiba waxaa
loo qoondeeyay inuu dooddiisa ku soo gudbiyo 10-15 daqiiqo.

Taariikhda iyo Habraaca


Gundhigga qoraalka ama doodda [abstracts] waxaa la soo gudbinayaa:
laga bilaabo 08 Sebtember 2018,
ugu dambayn 19 Oktoobar 2018.
Gundhig kasta waa qoraal ku qoran word, ahna 200-400 eray.
Luqadda qoraalku waa English, Carabi ama Soomaali.
Waxaa la soo raacinayaa macluumaadka shakhsiga (biography)
Waxaa lagu soo dirayaa emailka isos@mu.edu.so
Taariikhda & Goobta ACSOS2018 waa 13, 14, 15 Noofambar 2018, Muqdisho, Soomaaliya

Baraarujin
Machadku wuxuu boorinayaa in gundhigga qoraallada [abstracts] la sii dhamaystiro, lagana
dhigo qoraallo buuxa [papers] oo la raacay halbeegga cilmibaarista. Machadku wuxuu u
hawlgelayaa in la faafiyo qoraallada la soo dhamaystiro.

Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan nagala soo xiriir isos@mu.edu.so

Waad mahadsan tihiin

Vous aimerez peut-être aussi